Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland oo iscasilay

Cabdullaahi Cali Xirsi “Timacade”. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi oo loo yaqaan Timacade ayaa maanta oo Arbaco ah iscasilay.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Timacade ku sheegay in arrimo isaga u gaar ah uu isku casilay.

Wasiirka iscasilay ayaa labo jeer xilal wasiirnimo kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Timacade uu doonayo in uu isku sharaxo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada dhici doonta horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*