Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Kenya oo ka wadahadlay xiisada Beled Xaawo

Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku yeeshay Nairobi. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Nairobi-(Puntland Mirror) Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan yeeshay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa Arbacadii kulan ku yeeshay magaalada Nayroobi, iyaga oo ka wadahadlay xiisada ka taagan xadka u dhaxeeya labada dal.

Labada wasiir ayaa isku afgartay in la fuliyo go’aankii madaxweynayaasha labada dal ay ka gaareen xiisada Beled Xaawo. Kuwaasoo khadka taleefoonka kuwada hadlay dhawaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyata ayaa wadahadal ay ku yeesheen khadka taleefoonka isku raacay in la hakiyo dhismaha derbiga ka socda xadka Kenya iyo Soomaaliya, wadahadalna lagu xaliyo arrimaha keenay xiisada.

Maalmihii lasoo dhaafay xiisad ayaa ka taagneyd magaalada Beled Xaawo kadib markii Kenya ay halkaas dib uga bilowday derbi u dhaxeyn doona xuduuda labada dal. Dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa aad uga carooday derbi dhisida Kenya iyaga oo ku eedeynaya in ay soo gashay qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*