Wasaaradda arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya oo xafiiska qunsuliyadaha ka furtay Garoowe

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada ayaa ka qaybgalay munaasabada furitaanka xafiiska. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah xafiiska qunsuliyadaha ka furatay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada ayaa ka qaybgalay munaasabada furitaanka xafiiska.

Xafiiska ayaa la sheegay in shaqadiisu ay noqon doonto fududeynta dukumentiyada qaadashada baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.

Axmed Cilmi Cusmaan oo hadal ka jeediyay munaasibada ayaa boggaadiyay xafiiska ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada ee laga furay Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*