Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Gaadiidka gurmadka oo caawinaya dadka ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay isgoyska Sayidka, Janaayo 8, 2020, Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qarax gaari ayaa ka dhacay gudaha Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.

Qaraxa oo ahaa gaari uu waday qof naftiis halige ah ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka oo u dhow xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen qaraxa, ku dhawaad 15 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, sida ay tabisay Radio Andalus, oo ay leedahay maleeshiyadu.

December 28, 2019, ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qarax loo adeegsaday gaari weyn oo ka dhacay Muqdisho, oo ay sheegatay masuuliyadiisa Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*