Ugu yaraan afar askari oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay qarax

Ugu yaraan afar askari oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay qarax. [Sawirka: Archive]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar askari ayaa lagu dilay kuwo kale oo badana waa lagu dhaawacay markii miino wadada lagu aasay lala eegtay kolonyo ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha maamulkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baydhabo shalay galab oo Axad ahayd.

Ciidamada dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen saraakiishu.

Kolonyada ayaa ka timid tuulada Daynuunay waxayna u socdeen Baydhabo markii qaraxa lala beegsaday.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay daabaceen warbaahinta afkooda ku hadasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*