Midowga Yurub oo ogolaaday 42 milyan oo Yuro ah oo lagu maalgelinayo kaabayaasha Soomaaliya

Munaasabada heshiiska lagu kala saxiixday ayaa ka dhacday Muqdisho maanta oo Khamiis ah. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah wada saxiixday heshiis maaliyadeed oo dhan 42 milyan oo Yuro ah oo lagu maalgelinayo kaabayaasha Soomaaliya.

“Barnaamijka kaabayaasha wadada ee Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dayactiro ku dhawaad 355 kiilomitir oo ah waddooyinka gobolada ee muhiimka ah ee kuyaala Soomaaliya. Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu bixinayaa taageero farsamo si horumarin dheeri ah loogu sameeyo awoodaha haayadaha waddooyinka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.” Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sidaa ku sheegay war-saxaafadeed.

“Maahan mid keliya badbaadinaya nolosha dadka waddooyinka adeegsada balse waxa uu saameyn fiican ku yeelan doonaa horumarinta koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya iyada oo loo marayo isku xirnaanta iyo ganacsiga Soomaaliya iyo Geeska Afrika.” Ayaa lgu sii yiri war-saxaafadeedka.

Munaasabada heshiiska lagu kala saxiixday ayaa ka dhacday Muqdisho maanta oo Khamiis ah, waxaana ka qeybgalay raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka qorsheynta, maalgalinta iyo horumarinta dhaqaalaha Jamaal Xasan iyo safiirlka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*