Madaxweyne Cabdiweli: Gobolka Sool ma ahan mid ka dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlayay furintaanka kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in gobolka Sool uusan ahayn mid ka dhaxeeya Puntland iyo Somaliland sidoo kalena uusan ahayn mid aan la garaneyn cida iska leh.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri: “Gobolka Sool maaha meel ka wada dhaxaysa Samaliland iyo Puntland, gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, gobolka Sool  maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso mushahaar looga raadsado, gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, gobolka Sool  maaha shandadd inta diyaarad lala raaco ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, gobolka Sool dhul iyo dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa shacabka gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad,ciilqab iyo  xabsiga maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.”

“Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana  waxaa loogu daray  cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin gobolka Sool ee ay dowladdu wado. Shacabka Puntland waxay dowladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan naf iyo maal-ba, sidoo kale waa in aad ogaataan abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*