Madaxweynaha Puntland oo safiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kulan kula yeeshay Garoowe

Madaxweyne Deni oo xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah xarunta madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay safiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

“Maanta waxaa Garoowe nagu soo booqday safiirka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayey, runtii waxaan uga mahadcelinaynaa sida UN-ku ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin dhinaca horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo amnigaba, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga intaba.” Madaxweyne Deni ayaa sidaas yiri.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, amni, iyo dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka wadahadalnay oo xusnay in Puntland marwalba diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale intaba, loo ilaalin lahaa midnimada Soomaaliya, loo dhaqangelin lahaa nidaamka federaalka ah, mar walbana beesha caalamka oo UN-ku hogaaminayso ay gacan uga gaysan lahayd is bedeladaasi iyo horumaradaasi socda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*