Madaxweynaha Puntland oo kala diray guddiga Haayada Qandaraasyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maalintii Isniinta kala diray guddiga Haayada Qandaraasyada Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Tilaabada ayaa imaanaysa hal maalin kadib markii warsidaha Puntland Mirror uu daabacay musuqmaasuq balaaran oo ka dhex jira haayada, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Tilaabada Madaxweynuhu qaaday ayaan saameyn ku yeelan guddoomiyaha iyo xoghayaha haayada sababtoo ah iyagu waxay xiriir la leeyihiin madaxtooyada, sida warsiduhu fahansanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*