Madaxweynaha Kenya oo aqbalay dhambaal casumaadeedka ka qaybgalka caleemosaarka Farmaajo

Madaxweynaha Kenya oo gudaha madaxtooyada kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya kaasoo ku wareejiyay dhambaalkii uu ka siday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweynaha Kenya oo gudaha madaxtooyada kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya kaasoo ku wareejiyay dhambaalkii uu ka siday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa guddoomay dhambaal uga yimid madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu ku codsanayo in uu kas oo qaybgalo munaasabada caleemosaarkiisa, taasoo ka dhacaysa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho asbuuca soo aadan.

Sida uu ku waramay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho dhambaalka ayaa waxaa gudbiyay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye,kadib markii madaxweynaha Kenya uu qasriga madaxtooyada ee gudaha caasimada Nairobi ku qaabilay wasiirka maanta oo Khamiis ah.

Sida Radio Muqdisho uu kasoo xigtay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay gudaha dalka Kenya ,madaxweyne Uhuru ayaa aqbalay in uu ka soo qaybgalo munaasabada caleemo-saarka.

Gelinkii hore maanta oo Khamiis ah, Mr. Farmaajo ayaa si rasmiya u la wareegay xarunta madaxtooyada (Villa Soomaaliya).

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*