Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Boosaaso ku qaabilay taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Janaraal Stephen Townsend. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa Boosaaso ku qaabilay taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Stephen Townsend.

Madaxweynaha iyo taliyaha ayaa ka wadahadlay amaanka, la dagaalanka argagixisada iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidaas lagu sheegay.

Mareykanka ayaa Puntland muddo badan ka caawinayay dhanka ammaanka, waxaana uu taageeraa ciidanka PSF oo kamid ah kuwa ugu tababarka fiican. Sidoo kale AFRICOM ayaa Puntland ka gacansiiyay howlgalada dhanka cirka ee la dagaalanka argagixisada. Bishii April 2019, duqeyn ay iska gaashadeen Puntland iyo AFRICOM ayaa lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub, oo ahaa taliye ku xigeenka maleeshiyada ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*