Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka codsaday culimada diinta in ay qeyb ka qaataan dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay culimada Soomaaliyeed. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay qeyb ka qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulan xalay uu xafiiska madaxtooyada kula yeeshay xubno katirsan culimada, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aadan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

“Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.” Ayuu yiri.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*