Kooxda kubada cagta Puntland oo bilaabay tababar si ay ugu diyaargaroobaan tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya

Xulka kubada cagta ee Puntland oo tababar ku jira si ay isugu diyaariyaan tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ee Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Facebook/sharma’arke Dal-daare]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta heer gobol ee Puntland ayaa gudaha magaalada garoowe ka bilowday tababar si ay isugu diyaariso Tartanka Kubada Cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo bisha soo socota ka dhici doona magaalo xeebeedka Kismaayo.

Horaantii bishaan, Xiriirka Kubada Cagta Puntland ee (PFF) ayaa iclaamiyay tirada ciyaaryahanada Puntland uga qeybgali doona tartanka Kismaayo.

Xidigo ka socday Puntland ayaa ku guuleystay tartankii kubada cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii 2016-ka, iyaga oo gool ku laad kaga adkaaday Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*