Guddiga doorashooyinka Puntland oo is-casilay

Guddiga doorashooyinka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Punland Mirror) Guddiga doorashooyinka Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan TPEC ayaa maanta oo Khamiis ah is-casilay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay isku casileen kadib markii xubno katirsan guddiga ay horey shaqada isaga tageen duruufo iyaga u gaar ah.

“Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland kadib markii uu arkay in xubnaha katirsan guddiga ay horay shaqada isaga casileen isla markaana xubna kale dalbadeen in ay shaqada ka tagaan duruufa u gaar ah awgeed, ayaa xubnihii kale guddigu si wadar ah u go’aansadeen in ay xilka iska casilaan, si loo helo guddi cusub oo iyagu isla jaan qaada.” Ayay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Guddigan oo sanadkii 2016 uu magacaabay madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa ahaa kuwa fadhiid ah.

Warbixin uu daabacay bog wareedka Puntland Mirror bishii Febaraayo 2019, ayuu ko ogaaday in deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay diideen maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*