Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la badalay xaruntii lagu qaban lahaa doorashada

Bayle
Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la badalay xaruntii lagu qaban lahaa doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga wareejiyay xarunta tababarka ciidamada booliiska ee Janaraal Kaahiye oo loo wareejiyay xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, halkaas oo u dhaxaysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan iyo xarunta tababarka ciidamada booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in ay badaleen halka markii hore la qorsheeyay in lagu qabto doorashada kadib markii ay cabasho katimid qaar kamid ah musharixiinta madaxweynenimada Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 8-bishaan Febaraayo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*