Xasan Shiikh oo Puntland & Jubbaland ugu yeeray wadahadal siyaasadeed

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaya Golaha Baarlamaanka. [Xigashada Sawirka: Villa Soomaaliya]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweyne Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Axaddii ka soo laabtay shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaarkood. Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu weli diyaar u tahay wada hadal iyo wadatashi, isagoo ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland — kuwaas oo diiday ka qeybgalka shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) — in lagu xaliyo khilaafaadka wadahadal iyo is-afgarad.

“Mas’uuliyad ayaa naga saaran inaan la hadalno walaalaha ka soo horjeestay Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan doorannay in khilaafaadka lagu dhameeyo wada hadal iyo heshiis, taasi ayaana ah jidka aan ku socon doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Furitaanka kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajaho xiisado siyaasadeed oo soo noqnoqda, gaar ahaan xiriirka dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah federaalka, kuwaas oo qaarkood ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay faragelin ku hayso maamulka iyo awoodaha dastuuriga ah ee gobollada.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa weli ah mid caqabad ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu dhameystiro dib-u-habeynta dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *