Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay meel fiican marayso samaynta lacag cusub oo Shilling Soomaali ah.
Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in siyaasadda lacagta oo muhiim u ahayd lacag samaynta hadda la diyaarinayo.
“Soo celinta Shillin Soomaaliga ahaa waxay u baahantahay siyaasaddo, waxay u baahantahay lacag, waxay u baahantahay shaqo, dhammaan intiina waa la wadaa, oo hadda ayaan Bankiga Dhexe iyo ha’yadaha nala shaqeeya aanu kala shaqaynaynaa.” Ayuu yiri wasiirku.
Soomaaliya ayaan lahayn lacag rasmi ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe sanadkii 1991. Inta badan dalka waxaa laga adeegsadaa lacagta danabaysan ee E-money-ka loo yaqaan. Waxaa jirta lacag duug ah oo suuqyada taala gaar ahaana gobolada koonfureed taasoo ah mid been abuur ah oo ay daabaceen ha’yado aan dowli ahayn.
Tobankii sanno ee u dambeysay, wasiiraddii ugu dambeeyay maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan sheegay in lacag Shillin Soomaali ah oo cusub loo saari doono, balse ilaa iyo hadda waxba kama hirgelin.