Cabdi Xirsi Cali Qrjab ayaa dib ugu soo noqday magaalo xeebeedka Boosaaso shalay oo Talaado ahayd kadib markii uu dalka Hindiya ku soo dhammeystay daaweyn caafimaad, sida ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Bartamihii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, qaliin keli bedelid ah oo loogu sameeyay Qarjab gudaha Hindiya ayaa lagu guuleystay.
Markii ugu dambeysay oo uu meel fagaare ah kasoo muuqdo ayay ahayd bishii July, 2016-ka, markaas oo uu Somaliland uga digay howlgalo ay ka waday gobolada Sanaag iyo Hayland.
Sida ilo-wareedyadu sheegayaan, wasiirka amniga ayaa ku sugan xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan waxaana uu sida ugu dhaqsaha badan dib ugu noqon doonaa shaqadiisii.