Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada ayaa ka qaybgalay munaasabada furitaanka xafiiska.
Xafiiska ayaa la sheegay in shaqadiisu ay noqon doonto fududeynta dukumentiyada qaadashada baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.
Axmed Cilmi Cusmaan oo hadal ka jeediyay munaasibada ayaa boggaadiyay xafiiska ay leedahay wasaaradda arrimaha dibada ee laga furay Garoowe.