
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaarada maaliyada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku samaynaysa dhismihii wasaarada maaliyada oo burburay oo ku yaala caasimada Soomaaliya, Muqdisho.
Dhismaha ayaa ka kooban 72 qol iyo qololka shirarka loogu talagalay in lagu qabto, shaqada dib u hagaajinta ayaa hadda socota waxaana la filayaa in la dhameeyo bartamaha bisha Luulyo ee sanadkan.
Soomaaliya ayaa doonaysa in ay dib u dhisto haayadihii dowliga ahaa muddo ka badan 20 sanno oo dalka ku jiray burbur.