Ciidamada ayaa marayay deegaanka la dhaho Yaaq-raar oo qiyaastii 30km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo markii ay miinadu la qaraxday, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Ilaa iyo shan askari oo kale oo ku dhaawacantay miinada ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala Kismaayo si loogu daaweeyo.
Ciidamada Jubbaland ayaa asbuucyadii dhawaa ee la soo dhaafay howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka waday deegaanada dhinaca galbeedka Kismaayo kaga beegan, halkaas oo ay ku xooganyihiin Al-Shabaab.