Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay maanta oo Axad ah, kadib markii qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyay dad dhallinyaro ah oo saf ugu jiray xarunta ciidanka milatariga ee Damanyo, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Goobjoogayaashu waxay sheegeen in dhalinyaro badan ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xerada, iyaga oo doonayay in ay iska diiwaan geliyaan si ay ugu biiraan ciidanka, markaas oo uu weeraryahanku qarxiyay walxaha qarxa ee uu watay.
Shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka milatariga ayaa Reuters u sheegay in ay heleen 30 qof oo dhaawac ah oo laga keenay goobta qaraxa, kuwaas oo lix ka mid ah ay dhinteen isla markiiba.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaas ka badato maadaama dhaawacyadu ay qaarkood halis yihiin. Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.