Kornayl Cabdirashiid Xasan Xaashi, oo loo yaqaan “Gabi Gabi”, ayaa lagu toogtay banaanka masaajid kuyaala Gaalkacyo, halkaas oo u ku tukaday salaada cisho.
Nimankii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta kadib weerarka, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilkaas balse saraakiisha ammaanka ayaa sheegaysa in maleeshiyada looga shaki qabo in ay weerarkaas qaadeen.
Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, masuuliyiin sare oo katirsan Puntland ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Daahir oo katirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa niman baastoolado ku hubeysan ku dileen Gaalkacyo dabayaaqadii bishii May.