Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha Ciidanka Turkiga Janaraal Hulusi Akar ayaa maanta oo Jimce ah yimid Muqdisho, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho.
Hulusi ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cade ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Jimcaale.
Taliyaha ayaa ka qeybgali doona munaasabada furitaanka saldhiga milatariga Turkiga ee Muqdisho, sida Radio Muqdisho uu sheegay.
Be the first to comment