Shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka madasha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ku cusub ka qeybgalka maamul goboleedka SSC-Khaatumo oo madaxweynaheedu Cabdulqaadir Axmed Firdhiye uu ka qeybgalayo, iyadoo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ka maqanyihiin.

Waxaa shirka looga wada-xaajoon doonaa xaalada dalka, dagaalka argagixisada, dhammaystirka dastuurka kumeelgaarka ah, hanaanka dimuqraadiyada iyo dib u dhiska ciidamada, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *