Weerarka ayaa dhacay kadib markii qarax gaari lagu qarxiyay banaanka hore ee xarunta degmada Hawlwadaag ee Muqdisho.
Dad ka badan 10 qof, oo intooda badan yihiin caruur dugsi Quraan, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida ay wararku sheegayaan.
Ururka hubeysan ee Al-Shabaab ayaa si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay baahiyeen mareegaha internet-ka ee iyaga taageera.