Cabdiqani Makhtal Mohamed Garaad ayaa loo magacaabay duqa cusub ee Laascaanood, sida lagu sheegay digreetada kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cumar Camay.
Laascaanood ayaa ku jirtay gacanta maamulka Somaliland tan iyo sanadkii 2007.
Magacaabida ayaa kusoo beegmaysa iyadaoo ciidamada Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.