PSF oo ka digay isticmaalka garoonka Boosaaso

Ciidanka PSF. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada PSF ayaa ku eedeeyay maamulka madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni in garoonka Boosaaso ay ka dhigtay xero ciidan.

Waraaq ka soo baxday PSF maanta oo Arbaco ah ayay ku sheegeen in ciidamo katirsan PSF oo dhaawac maanta laga hor istaagay in laga dhoofiyo kuwaasoo u baahnaa caafimaad deg-deg ah.

PSF ayaa sheegay in garoonka Boosaaso uu yahay meel u xiran ciidamo gaar ah ama qoys gaar ah, waxayna uga digeen dhammaan shacabka kunool isbitaalka agagaarkiisa in ay isaga fogaadaan, sidoo kalena dhammaan duulimaadyada diyaaradaha in aysan isticmaalin garoonka ilaa lagu soo celinayo meel loo simanyahay oo dhammaan muwaadiniinta isticmaali karto.

Tilaabada PSF ayaa ayaa keeni karta isku dhacyo cusub oo ka dhaca Boosaaso oo u dhaxeeya ciidanka PSF iyo xukuumada Siciid Deni gaar ahaan ciidamada PMPF oo qoyska madaxweyne Deni ay maamulaan.

Dabayaaqadii sanadkii 2021, ayaa dagaal dad badan ku dhinteen magaalada Boosaaso waxa u uku dhaxemaray ciidamada PSF iyo maamulka Siciid Deni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*