Mucaaradka Soomaaliya oo Kismaayo ku yeelanaya shir la xiriira mustaqbalka doorashada

Puntland Mirror
0 Min Read
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon. [Isha Sawirka: Facebook]

Kismaayo-(Puntland Mirror) Siyaasiyiin culus oo Soomaaliyeed, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo. Waxay halkaas kula biiri doonaan xubno kale oo mucaarad ah oo horey u soo gaaray, kuwaas oo u yimid ka-qaybgalka shir looga hadlayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee soo socota, xilli uu dhammaanayo muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bisha May 2026.

Shirka waxaa martigelinaya Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *