Boqolaal dagaalyahano hubaysan oo Al-Shabaab ah ayaa saakay oo Axad ah la wareegay deegaanka Halgan.
Al-Shabaab ayaa intii lagu guda jiray afartii asbuuc ee u dambaysay sidoo kale la wareegtay deegaanada Maqokori iyo Ceel Cali oo kuyaala gobolka Hiiraan kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya.
Halgan oo 300km dhanka waqooyiga ka xigta Muqdisho ayaa maleeshiyada Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen halkaas bishii Juun ee sanadkan, iyagoo sheegay in ay weerarkaas ku dileen ku dhawaad 43-askari oo Itoobiyaan ahaa, balse Itoobiya ayaa diiday sheegashada Al-Shabaab.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa asbuuc kahor markii maamul goboleed cusub oo la dhaho Hir-Shabeelle loo dhisay gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.