Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada kaasoo looga hadlay xoojinta amniga iyo xoraynta dalka.
Saraakiisha ciidamada oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxyadiin ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixino ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Villa Somalia.