Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo safar taariikhi ah ku tagay Laascaanood

Puntland Mirror
0 Min Read

Laascaanood-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Jimce ah safar taariikhi ku tagay magaalada Laascaanood.

Safarka Xasan Shiikh ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu uga qeybgali lahaa xaflada caleemosaarka Madaxweynaha Waqooyibari iyo ku-xigeenkiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay safarka madaxweynaha inuu yahay mid lagu adkaynayo midnimada dalka iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa madaxweynihii ugu horeeyay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 1991-dii safar ku taga Laascaanood. Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay oo halkaas booqda sanadkii 1984-tii.

Waqooyibari oo horey loo oran jiray SSC-Khatumo ayaa dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhismihiisa dhammaysay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *