Madaxweyne Xasan iyo Shariif oo heshiis gaaray, kulammo siyaasadeedna lagu ballamay

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweyne Hore Shariif Shiikh Axmed [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed ayaa habeenkii Axadda ku kulmay magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay xafiiska Shariif ayaa lagu sheegay in khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac la xaliyay.

War‑saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Xasan uu xaqiijiyay inuu qaban doono kulan uu la yeesho dhammaan saamileyda siyaasadda si loo dhammeeyo muranka ka taagan doorashada soo socota. Madaxweynihii hore Shariif ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas, wuxuuna muujiyay diyaar u ahaanshaha ka qaybgalka kulanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xubno ka tirsan mucaaradka ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe, halkaas oo ay ugu diyaar garoobayaan shir ay mucaaradku ku yeelan doonaan kadib kulankii Kismaayo.

Sidoo kale, bog wareedka Puntland Mirror ayaa ogaaday in Boqortooyada Sucuudi Caraabiya uu doonayo inuu heshiis dhex dhigo dowladda iyo mucaaradka, xilli uu soo ifbaxay khilaafka Riyadh kala dhaxeeya Imaaraatka Carabta oo xiriir weyn la leh qeyb kamid ah dowlad goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka.

Muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhacaya 15-ka May 2026, iyadoo kooxaha mucaaradka ay ku eedeeyeen inuu doonayo muddo kororsi.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *