Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojiyay in uu xuso sanadguuradda kowaad ee uu xafiiska joogay, isaga oo go’aansaday in dad weynaha reer Muqdisho loo fidiyo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.
Tani ayaa noqonaysa markii ugu horeysay wixii ka dambeeyay 1969 oo madaxweynaha xilka haya ee Soomaaliya uusan u dabaaldegin sanadguuradiisa maalintii la doortay.
Farmaajo ayaa xafiiska jooga muddo sanad ah. Waxay ahayd 8-dii Febaraayo 2017, markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.
Be the first to comment