Madaxweyne Erdoğan oo mar kale ku baaqay in Qaramada Midoobay cunaqabateynta hub kusoo rogto Israa’iil

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. [Sawir Hore]

Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku celiyey baaqiisii ku aadanaa in la saaro cunaqabateyn hubka ah oo ka dhan ah Israa’iil, isagoo sheegay in ay tallaabo muhiim ah noqon karto si loo joojiyo dagaalka.

Wuxuu sidoo kale uga digay in iyadoo aan la gaarin xabad-joojin ay ku sii dhoweyneyso in gobolka uu galo dagaal ballaaran. Waxa uu Israa’iil ku eedeeyay in ay doonayso daandaansi si ay colaada u ballaariso.

Erdoğan wuxuu hadalkan ka jeediyey shir uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Azerbaijan, Armenia, Iran, iyo Ruushka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*