Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo laabtay magaalo xeebeedka Boosaaso kadib bil ku dhawaad oo uu ku maqnaa Sucuudi Caraabiya isaga oo gudanayay waajibaadka xajka.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kusoo dhaweeyay masuuliyiin dowladda katirsan.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ahaa sii hayaha Madaxweynaha inta uu maqnaa.