Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa bilaabay wadahadallo qaran oo ballaaran, isaga oo ka duulaya baaqiisii Ciidul-Fidriga ee 30-ka Maarso 2025. Wadahadalladan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka sida la-dagaallanka Al-Shabaab, dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay madaxda ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo siyaasiin hore xilal sare soo qabtay, si loo helo aragtiyo wax ku ool ah. Sidoo kale, wuxuu casuumaad rasmi ah u diray madax hore oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore, si ay taladooda iyo waayo-aragnimadooda uga qeyb qaataan wadatashiga.
Kulankan sare ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, halka Golaha Wadatashiga Qaran, oo ka kooban madaxda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, uu kulmi doono 22-ka Juun 2025 si loo gorfeyno talooyinka iyo in laga gaaro go’aamo rasmi ah, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.