Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyay 66 maxbuus oo ku kala jira xabsiyada gobolada Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafdeed kasoo baxay madaxtooyada maanta oo Isniin ah.
Maxaabiista ayaa loo cafiyay bisha barakaysan ee Ramadaan darteed iyo cudurka COVID-19, war-saxaafdeedka ayaa intaas ku daray. Dambiyo fudud ayay ku eedaysanyihiin dhamaan maxaabiista cafiska uu u fidiyay madaxweynuhu.