Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhalinyatada ciyaartowga ah kula taliyay in ay ilaashadaan sumcadooda iyo sharaftooda ayna hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinyarada u balanqaaday in dhawaan la casriyeyn doono garoomada kubada cagta ee kuyaala Puntland, qaar kamid ahna la dhigi doono roogaga cawska macmalka ah si kor loogu qaado ciyaaraha Puntland.
Ugu dambeyn madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay kooxda kubada cagta Puntland in dowladd ay la garab taagantahay dhammaan wax walba oo taageero ah oo ay u baahanyihiin.
Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Puntland ayaa ciyaartooda ugu horeysa ee tartanka wajihi doona Hir-Shabeelle 12 bisha December.