Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Sciid Cabdullaahi Deni ayaa isbadal ku sameeyay garsoorka gobolka Mudug.
Digreeto ka soo baxday madaxtooyada caawa fiidkii, ayaa xilka looga qaaday garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.
Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee Xarfo ayaa si kumeel gaar ah loogu bedeley Guddoomiyaha Maxakamadda derejada 1-aad ee Gaalkacyo, digreetada ayaa intaas ku dartay.
Be the first to comment