Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay Garoowe maanta oo Talaado ah Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu soo dooran doono gole wasiiro ah oo cusub 21 beri gudahood.
Marka uu hadalka jeedinayay, Madaxweynaha ayaa ciidamada ku amray in ay adkeeyaan ammaanka dalka.
Gelinkii hore ee Talaadada, ku dhawaad 47 xildhibaan oo katirsan golaha baarlamaanka ayaa u codeeyay in ay shaqada laga ceyriyo golaha wasiiradda iyaga oo ku eedeeyay in ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo idmay.