Labada nin ayaa ka yimid magaalada Burco ee Somaliland waxaana afduubay niman deegaanka ah kuwaasoo rabay in ay ku bedeshaan walalkood oo ku xiran Burco, sida oday dhaqameedku uu sheegay warsidaha Puntland Mirror, isaga oo intaas ku daray in odayaasha dhaqanka Garoowe ay kaalin weyn ka qaateen sii deynta nimankaas.
Labada nin ayaa la geeyay guriga Islaan Ciise oo kuyaala Garoowe, waxaana la filayaa in ay magaaladoodii dib ugu noqdaan, sida oday dhaqameedku uu sheegay.