Garoowe-(Puntland Mirror) Kalfadhiga 47-aad ee golaha baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Garoowe iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Ajandaha ugu weyn ee kalfadhiga ayaa noqon doona sharcidejinta, la xisaabtanka dowladda, iyo doorashooyinka soo socda heer federaal, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.