Guddoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed ayaa sheegay in kalfadhiga ay horyaalaan ajandayaal badan balse ma uusan faahfaahin.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay kalfadhiga, waxaana khudbadiisa uu diirada ku saaray waxqabadka afartii bilood ee xumaadiisu ay jirtay.
Kalfadhigan ayaa ah kii kowaad oo baarlamaanka Puntland ee hadda jira ay yeeshaan marka laga reebo fadhigii bishii Janaayo kaasoo ay ku doorteen madaxweynaha.
Sida uu qabo dastuurka dowladda Puntland, baarlamaanka oo ah golaha shacabka ayaa leh labo kalfadhi sanadkiiba.