Intii kalfadhiga uu socday, kaasoo soo bilaabmay bartamihii bishii June, golaha baarlamaanka ayaa ka dooday arrimo badan oo ajandaha ku jiray.
Xiritaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdirixmaan iyo guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari.
Sida uu qabo dastuurka dowladda Puntland, baarlamaanka oo ah golaha shacabka ayaa leh labo kalfadhi sanadkiiba. Kalfadhiga xiga ayaa furmi doona bisha Oktoobar ee sanadkan.