Ha’yaddaha ammaanka Puntland oo qabtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Ciidamo katirsan Puntland. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ha’yaddaha ammaanka Puntland ayaa qabtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kadib howlgal ay ka sameeyeen wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo, sida ay bog-wareedka Puntland Mirror u xaqiijiyeen ilo-wareedyo katirsan dowladda.

Ilaa todobo xubnood oo lala xiriirinayo in ay wateen diyaaradaha ayaa lagu qabtay howlgalka.

Ilo-wareedka ayaan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ujeedka diyaaradaha laga lahaa iyo cida waday waxay rabeen in ay u adeegsadaan.

Waxaa la rumaysanyahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka soo galeen dhanka Yemen, sida ay ilo-wareedku noo sheegeen, kuwaasoo intaas ku daray in ay socoto baaris.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*