Ilo-wareedka milatari, oo magaciisa qariyay, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in hal askari uu dhintay kadib markii ay miinada dhulka lagu aaso ku qaraxday gaari ciidan deegaanka Sugure ee Buuraha Galgala.
Ugu yaraan labo askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida ilo-wareedku sheegay.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.
Ciidamadda Puntland ayaa maleeshiyo ka socda Al-Shabaab kula dagaalamaya Buuraha Galgala.