Guddoomiyaha Mudug ee Puntland oo ka hor yimid hawlgallo amni oo PSF ka sameysay Gaalkacyo

Puntland Mirror
0 Min Read
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali. [Isha Sawirka: Maamulka Gobolka Mudug]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa ugu baaqay Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) in aysan wax hawlgal ah ka fulin magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay xalay sameeyeen hawlgal amni.

Kadib kulan uu la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in hawlgalkaasi uusan sharci ahayn, waxaana uu PSF ku tilmaamay in aysan ahayn ciidan rasmi ah oo ka tirsan Puntland.

PSF waa mid ka mid ah ciidamadii ugu tababarka fiicnaa ee Puntland, waxaana hore u taageeri jiray Mareykanka. Hase yeeshee, xiriirka PSF iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xumaaday tan iyo markii agaasimihii hore ee PSF, Asad Cusmaan, oo hadda yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya, uu la tartamay Deni doorashadii madaxtinimo ee bishii Janaayo 2019.

Dabayaaqadii sanadkii 2021, Madaxweyne Deni ayaa abaabulay dagaal ka dhacay Boosaaso oo lagu qaaday PSF, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *