Qaraxa oo ahaa qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qaxiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu marayay bartamaha magaalada gaar ahaan meel u dhow saldhiga ciidaanka booliiska Garoowe, sida warsidaha Puntland Mirror ay u sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.
Guddoomiyaha ayaa la geeyay isbitaalka Garoowe halkaas oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Garoowe, sida ay ku warantay Radio Al Andalus oo taageerta maleeshiyada.