Golaha wasiirrada DFS oo ansixiyey magacaabista Mahad Maxamed Salaad ee agaasimaha NISA

Puntland Mirror
0 Min Read

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiirrada xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo noqday Agaasimaha cusub ee Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) kadib soojeedinta wasaaradda amniga gudaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysulwasaaraha.

Mahad ayaa horey u soo qabtay xilal dhowr ah sida wasiir, xildhibaan iyo agaasime hore oo NISA ah, wuxuuna leeyahay khibrad iyo aqoon durugsan oo la xiriirta amniga iyo sirdoonka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *